Gen. Faarax Qare:" Burcad Badeeda waa kuwo ka dhiidhiyay qashinka, Sunta iyo haraaga wershadaha ee lagu daadinayo badeena.."
Mogadishu Monday 08 November 2010 SMC
| |
|
Taliyaha ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Jenaraal Faarx Axmed Cumar (Faarax qare) ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya ay ku suganyihiin Maraakiib dagaal oo tiro badan, kuwaasoo xaalufin ku haya qeyraadka Dihin ee Ilaah ku maneystay badeena, Isla markaan dayacay howshii ay u yimaadeen ee aheyd ilaalinta maraakiibta iyo ka hortaga Burcad badeeda.
"Buracad badeedu wey sii xoogeysaneysaa, hadaan caalamku gacan siinin dawlada Soomaaliyeed waayo waa kuwo ka dhiidhiyay qashinka, Sunta iyo haraaga wershadaha ee lagu daadinayo badeena ama xaalufin loo geystay howlahoodii Kallumeysi, sidaa darteed waxaa haboon in mihnad iyo xirfado shaqo loo abuuuro intii la siin lahaa dhaqaale badan oo ku dhiiri gelinaya in ay soo iibsadaan Doomo xusub oo ay laba laabaan afduubka Maraakiibta" ayuu yiri Jeneraalka oo hoosta ka xariiqay in maalin uun la gaari doono ciidanka Bada oo baacsanaya Burcad badeeda.
Taliyaha ayaa sheegay in caalamku dhegaha ka fureystay baaqyo iyo talooyin ay ka soo jeediyeen shirar badan oo looga hadlayay arimaha burcad badeeda oo midkii ugu dambeeyay oo goor dhow ka dhacay dalka Talyaaniga uuna Taliyuhu ka qeyb galay ayna kala soo laabteen balan qaad afka ah.
Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xili dhawaan lacagtii ugu badneyd ee lagu bixiyo madax furasho maraakiib ee la siiyay Burcad badeed Soomaaliyeed taasoo ku dhiiri gelineysa dhalinyaro badan in ay u jaheystaan dhinaca badda si ay u helaan dhaqaalahaasi faraha badan oo dhalinyarada qaarkood xiligan ay ku haminayaan in ay ku biiraan kooxaha burcad badeda ah intii ay ku dhiman lahaayeen dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka jira koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088
No comments:
Post a Comment